X

Faahfaahin qarax ka dhacay guri ku yaala Muqdisho

Faahfaahin qarax ka dhacay guri ku yaala Muqdisho. Qaraxan oo laga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha degmada Kaaraan ayaa ahaa mid loo adeegsaday Gaari.



Qaraxan ayaa ciidanka amnigu rumeysan yahay in lagu diyaariyay isla guriga uu ka dhex dhacay. Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka oo wata gaadiidka dagaalka ayaa soo gaaray guriga uu ka dhax dhacay qaraxa, waxaana ay halkaasi kala baxeen nin ku sugnaa guriga, oo looga shakisan yahay in qorshahan uu watay.



ilaa hadda si dhab ah looma khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxan, oo dadka degaanka xalay ku abuuray cabsi iyo dareen feejignaan ah.



25-kii October 2017 inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ee degmada Kaaraan xilli habeen ah waxaa ka dhacay Qarax guri lagu diyaarinayay, Hal qof ayaa ku dhintay qof kalena wuu ku dhaawacmay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.