21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo qaramada midoobey u sheegay war ayna jeclaysan: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa qaramada midoobey u sheegay war ayna jeclaysan kulan uu manta kula qaatey Muqdisho. Qaramada midoobey iyo wadamada qaar ayaa raba in ayna Somaliya yeelan ciidan hanta dalka oo weligeed sidaa u cunto ARGAGIXISO oo hadda ah cadowga koowaad ee shacabka.

Guddi ka socota Qaramada Midoobey oo dhaqaale u raadisa AMISOM oo madaxweynaha la kulmey ayuu u sheegay inay dhaqaale raadinta ku daraan ciidanka qaranka Somaliya oo dhismihiisu weli kow ahayn.



Gudigan ayaa bogaadiyay hadalka madaxweynaha laakiin la wada ogyahay inayna qorshaha ugu jirin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawrkii toddobaad ee lasoo dhaafay ku shaqeynayay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ahmiyad sare siinaya dib u dhiska iyo tayeynta ciidamada qalabka sida.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS