X

Madaxweyne Farmaajo oo shaaca ka qaaday danaha gaarka ah ee loola yimi shirkii Garoowe

Madaxweynaha oo ka hadlaayay munaasabada maalinta dhalinyarada SYL oo xalay lagu qabtey magaalada Muqdisho ayuu si cad u sheegay in aan la aqbali karin muddo kororsi dawladiisa ah iyo kuwa mamuladaba.

Madaxweynaha oo taabtey wixii looga Hadley Garoowe ayaa shaaca ka qaaday danaha shaqsi ee maamulada qaar wateen kuwaas oo ay ka mid yihiin in la sameeyo madal qaran oo macnaheedu yahay in laga boodo barlamaamnka.

”Waxaan iri maamul goboleedyadu waxay matalaad ku leeyihiin barlamaanka, maxaad ugu baahateen madal qaran, xageese kaga taalaa dastuur dhoodhoobka.


Waxay iila yimaadeen muddo kororsi siiba horjooge Xaaf waan ka diidery waxaanan iri arin ii taal maaha ee ka soo wadatashada oo arin meel isla dhiga, waa iga diidey horjooge Xaaf.


Waxay rabeen inay xildhibaanada soo xushaan ‘‘waxaan iri sow barlamaanka ku lihidina matalaad hadaad tihiin maamul goboleedyo u soo sheegta danihiina iyo cida aad rabtaan inay idin matalaan. Waa iga diideen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.