X

Madaxweyne Farmaajo oo shacabka kula tukadey masjidka weyn ee isbahaysiga ee Muqdisho: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka kula tukadey masjidka weyn ee isbahaysiga ee magaalada Muqdisho.

Salaada kaddib ayuu madaxwaynaha khudbad jeediyay wuxuuna shacabka ugu baaqay inay dowladda kala shaqeeyaan amniga si looga hortago cid kasta oo xasilloonida kasoo horjeeda.



Dadwaynaha masaajidka iskugu yimi ayaa wajiyadoodu ku muuqatay dareen farxadeed waxayna iskugu hambalyeynayeen munaasibadda ciida.



Muqdisho ayaa bishii barakaysneyd argagixisadu ka gaysatey xasuuq ay ku dileen ugu yaraan laba boqol oo qof hanti shacab iyo dadka qaar oo la jiifa dhaawacyo halisa oo soo gaaray.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.