20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay waxa horjoogeyaasha gobolada qaarkood rabaan

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qarxiyuay waxa horjoogeyaasha qaarkood rabaan xilli qaarkood la kulmeen madaxda QM u jooga Somaliya iyo madaxda askarta Amisom.

Sheekadooda waa aan wada madaxweyne noqono sidaas miyaa Federaal u yaqaanaan oo aan la kulano madaxda caalamka. Shirarka caalamka u qabtaan Somaliya ayaa dalka loo kala qaybiyaa maanulo sidaana loogu casuumaa.



Madaxweynaha oo la hadlayay jaaliyada Somalida ee Koofurta Suudaan magaalada Jubba ayaa sheegay in qalad laga fahmey Federaalka la rabana in dalku fowdo ka bixin weligii.

Waxa la ogyahay in Carabtu ka dambeyso oo maalgeliso horjoogeyaasha Cabdiweli Gaas, Shariif Sakiin iyo Axmed Madoobe oo la ogyahay yahay siduu Kismaayo ku yimi.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya in xataa kooxda aqalka sare ku fashilmeen in horjoogeyaashani maqlaan



Dabcan horjoogeyaasha qaarkood waxa ku socda doorasho. Dalku 5 madaxweyne ma yeelan karo ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sida kaliya oo looga bixi karo fowdada dawlad la’aanta waa in lagu fasaxo horjoogeyaasha kooxda gaaleynta Muslimiinta ee shabaab intey dhihi lahaayeen waxa la weerartay dawlad, sidaana ku abuuraan fowdo kale ayuu yiri xildhibaan ka tirsan barlamaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS