07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

ARAABINEWS

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi ka direy geerida abwaan Baarleex

Madaxweynaha Somaliya Maxaed Cabdullahi Farmaajo ayaa tacsi u direy ummada Somaliyeed geerida ku timi abwaan Baarleex oo Hindiya ku geeriooday shalay. Dawlada Somaliyed ayaa bixisay qarashka abwaanka loogu qaday Hindiya kadib xaalad caafimaad oo wadnaha ka soo gaartey.



“Alle ha u naxariisto Abwaan Cabdullaahi Xirsi Baarleex oo ku geeriyooday Hayderabad, Hindiya, Wuxuu ahaa abwaan gole-ka-fuul ah oo af iyo addinba ku difaacay dalka iyo dadka. Qoyskiisa iyo qarankaba Eebe sabar iyo iimaan haka siiyo, isagana jannadii Firdawsa Alle haka waraabiyo” ayuu yiray Madaxweyne Farmaajo.



Dawlada Somaliya ayaa lagu amaanay sida fiican ee ay gudatey waajibkeeda ka saaran muwaadiniinta Somaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS