X

Madaxweyne Farmaajo oo Uhuru u sheegay inuu faraha kala baxo arimaha dalka

Madaxweyne Farmaajo ayaa telfoon kula Hadley madaxweynaha Kiiniya oo askartiisu dhawaan madaafiic ku garaaceen magaalada Baladxaawo, gaysteena khasaare dhimasho iyo burbur.



Uhuru oo ku cadaatey arintu ayaa si uu hoostana u taageeromaleeshiyada Axmed Madoobe tageersan sheegay in loo baahan yahay in la dejiyo xaalada lana abuuro jawi nabadeed.



Farmaajo ayaa u sheegay in Kiiniya faraha kala baxdo arimaha Somaliya, xaaladuna sii xumaan doonto haddii Kiiniya sii taageerto maleeshiyada dawlad-diidka ah.

Maleeshiyada Kiiniya taagerrto oo la baacsaday ayaa sheegay inay joogaan goob ciidanka Kiiniya ku ilaalin karaan maadaama marnaba ay u babac dhigi karin ciidanka xooga dalka oo qoryo yaryar haysta laakiin tababaran.



Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale isku afgartay in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u wada fariistaan guddiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo ka shaqaynaya sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed iyo kan ganacsi ee labada dad iyo dal ka dhexeeya.”

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.