X

SAWIRO: Marwada madaxweyne Farmaajo ee Saynab Macalin oo isbitaal dhagax dhigtey

“Isbitaalka waxaan ugu talagalnay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha hooyada iyo dhallaanka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada Shabeellaha Hoose, gaar ahaan Baraawe iyo inta ku xeeran. Waxa nasiib wanaag ah, in reer Baraawe aad noqoteen magaaladii koowaad ee nasiib u heshay in laga hirgeliyo mashruucan.”


Marwada koowaad ee dalka oo sheegtay in dhismaha iyo qalabeynta xarunta lagu hirgelin doono sanadkan gudihiisa ayaa ku bogaadisay maamulka degmada Baraawe iyo bulshada ku dhaqan sida ay ugu mideysan yihiin horumarka iyo amniga.


“Waxaan ugu baaqayaa hooyooyinka iyo bulsho-weynta Gobolkan Shabeellaha Hoose in ay u tashadaan sidii dib loogu soo noolayn lahaa adeegyada aasaasiga ah.”
Dhankiisa, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa uga mahadceliyey Marwada Koowaad ee dalka hirgelinta Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka ee Baraawe, isagoo tilmaamay in dhismaha xaruntan ay kaabeyso kobaca nololeed ee bulshada Gobolka.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.