X

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ahaa kelli lagu hoobtey

Waxa 214 xildhibaan oo shaah qaatay qaarna qabyaalad u bukaan ay xukunka saareen fadhiid Xasan Culusow oo dalkan hore u gatey. Haddaba waxaad is weydiin kartaa sidey ku dhacday in hogaamiyo shacabku doortey afgambigaa lagu sameeyo.


”Madaxweynuhu wuxuu ahaa shaqsi lagu hoobtey oo kelli taagan, waxana guuldarada ka dambeeyay kooxda Xalane oo iyagu si fiican u dabaaldegay iyo xildhibaanadii ay doolarka siiyeen ayuu qabaa Xuseen Warsame.

Waxaa la xaqiijay in madaxweynuhu diidey inuu laaluush bixiyo ama uu u dhaco khasnadda ummada ka dhaxaysa ee ay ku jiraan lacagtii askarta iyo tii shaqaalaha. Taasi waxay galaafatey codka 130 ugu yaraan.


”Marka aad iska tuurto kuwa cuqdada qabiilku ku jirtey oo ka kala yimi Galmudug, Kismaayo iyo Butlaan waxa kuu soo haraya 130 saafiya oo iyaga dawladnimadu ku weyntahay ayuu qabaa Cali Calasow.



Si kastaba ha ahaatee waa madaxweynihii ugu horeeyay ee isagu dadku rabaan laga xaday doorashada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.