X

Askarta Yukrayn oo inteyna gaajo u dhiman isku dhiibey Ruushka

Ciidanka Ruushka ee go’doomiyay askar Yukrayn ka tirsan iyo ajaanib ay ku jiraan ururka akhwaan Muslimiin ayaa isa soo dhiibey kadib markii ay gaajo u bakhtiyi gaadheen maadaama biyihii laga jaray.


Turkiga oo rabay inuu sumcad ka dhigto soo daadgureynta askartaas oo gaystey falal ka baxsan xeerka dagaalka ayaa waxa magaalada Maribool ku hayay Maraykanka iyo Ingiriiska oo u diidey inay is dhiibaan.


Yukrayn ayaa dalbatey hadda in askarteeda loo badbaadiyo marka ay is dhiibaan. Askartaan oo qaarkood xagjir yihiin waxa ka mid 60 askari oo dhaawaca halka intooda kalana xaaladooda caafimaad ay xuntahay.



Ruushka oo hawlgal ka wada Yukrayn barigeeda ayaa waxa dagaal fuleynimo ah kula jira Maraykanka iyo Ingiriiska oo raba inay gadaal ka riixaan Yukrayn kuna awrkacsadaan.

Inkastoo dhaqaalaha labadaa dal dhulka galay haddana ilaa hadda ma jirto kacdoon ka dhana iyaga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.