X

Prof Axmed Samatar oo ka qayliyay shirka Boorama oo loo diidi rabay inuu qabto

Prof Axmed Ismaciil Samatar oo aad loogu qasaaray kadib markii uu qaatey fikrada goosadka kaaga darankana ku biirey xusbiga qabqable dagaal oo qaba dhiig dad badan oo reer Awdal ayaa sheegay inuu jirey isku day Muuse Biixi doonaayay inuu ka joojiyo shirka Boorama.


Olole ay wadaan isaga iyo Prof Cali Galaydh ayaa ka dhididsiiyay Muuse Biixi. Waxay durtaba ku cawdeen safiirka Maraykanka ee Somaliya una sheegen in maamulkan wax dimoqraadiya ka jirin.


“Waxaan idiin sheegayaa in uu isoo gaaray in la ravay in Boorama lanoo diido inaan nimaad. “Waa nacasnimo weyn nin halkuu ku dhashay la yiraa ma imaan kartid. Wuxuuna soo qaatey dastuurka maamulku oo sheegayo in qofku xoryahay oo uu qaban karo doodo ama shirar ayuu yiri Prof Axmed yiri.


Axmed Samatar oo dareemay cadaadis xoriyadeed oo uuna saarayo saaxiibkii Muuse Biixi ee shalay uu huwiyau amaanta faraha badan.

Prof Axmed Samatar ayaa hadda isku dayaaya inuu helo taageero uu hore u lumiyay isagoo ka doorbidey inuu Samaroon kala xigsado. Wuxuuna sheegtaa inuu laba qabiil yahay.

Hoos ka daawo

Maxsmed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.