X

Madaxweyne ku xigeenka Afqaanistaan oo wacad ku maray inuu Taalibaan hilfaha u qaadayo

Amrullah Saalax waa madaxweynaha xaqqa ah ee Afqaanistaan maadaama madaxweynihii hore ka baxsaday dalka, wuxuuna wacad ku maray inuu hilfaha u qaado argagixisada Taalibaan. Amrullah Saalax ayaa ka soo jeeda qowmiyada Tajik ee dega Wqooyiga dalkaasi.


Waxa ka dhashay geesigii reer Afqaanistaan ee Axmed Shaah Mascuud ee midowga Soofeeti u diidey inay soo galaan dooxada Banjir oo dabiiciyan u leh difaac adag oo aan la mari karin xataa Ruushkii ayaa geli kari waayay.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay inuu joogo dalka uuna ugu baaqayo dhamaan siyaasiinta inay isku yimaadan si lo dhiso dawlad loo dhan yahay.


ā€¯Weligay isku dhiibi maayo argagixiso ayuu yiri wuxuuna wacad ku maray inuu hilfaha u qaado. Waxa durtaba cad in Badhaantu halkeeda joogto goordhowna la arki doono Usbaga oo iyaguna kacay halka Iiraan ka hubeyn doonto qabiilka Xasaarada.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.