X

Arin argagax leh: Booliiska Bakistaan oo raadinaya 400 oo nin oo duhurcad gabadh yar wadhfiyay

Muuqaal argagax leh oo hadda baraha bulshada lagu soo tuuray ayaa lagu arkay ugu yaraan 400 oo nin oo wadhfinaya gabadh. Xilliga dhacdadan foosha xun dhacday ayaa ahayd 14-kii bishan oo Bakistaan u dabaal-degaysay xoriyadeeda.


Gabadhan sida loo wadhfiyay ayaa xilliga la weeraray duubanaysay muuqaal yar oo ay dhigto Tiktoka. Waxase halmar ku habsaday dhalinyar gaadhaysa 400 sida muuqaalkla lagu arkay.

Waxa muuqaalada qaar la arkayaa gabadha oo si loo taataabanayo inta aan kor loo qaadin ee aan la wadhfin. Waxa kale oo isla goobta looga xaday moobilkeeda iyo lacag ay wadatey.


Siyaasiyiinta dalkaas ayaa qaarkood aad u cambaareeyeen falkan foosha xun. Bakistaan oo ah goob u daran dumarka ayaa dumarku ku noolyihiin nolosha ugu xun iyo xoriyad daro.

Raiisal wasaaraha dalkaasi oo gabdho badan oo ajaanib ah soo shukaansaday markii dambana guursaday ayan ka hadlin dhaqanka lagu liidayo haweenka dalkaasi ayan u dambeysay dhacdadan argagaxa.


Waxa dhici karta in falkan noocana ay jaahiliintu u nisdbeeyaan diinteena oo ka daahiran wuxuushnimada noocana. Bakistaan ayaa ka mida dalalak lagu gumaysto dumarka maadaama bulshada badankeedu tahay dad badow oo qabaaila.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.