08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo eedeeyay Gaas iyo Axmed Madoobe

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa eedeeyay Gaas iyo Axmed Madoobe. Maxamed Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii khilaafka ka dhextaagan Madaxda Galmudug dusha uga saari lahaayeen Dowladda Federaalka.



Waraaq ay ka dhex muuqdaan Gaas iyo C/welli ayaa looga cawdey in ay dawladu daacad ka ahayn nidaamka goboleysiga ee Federaalka oo Somalida dibedda looga keenay.



“Waxaa maalmahan jiray warar soo baxayay oo uu ka hadlayo Madaxweynaha Puntland kaasi oo ah in Dowladda Federaalka ay fara gelin ku heyso Galmudug, arrintaasi waa mid xaqiiqada ka fog, Jubbaland dhankeeda arrintan faraha ayay la soo gashay, balse waxaan cadeynayaa arrinta Galmudug ka jirta in aysan cidna waxba ka quseyn.” Ayuu yiri Carabey.



Galmudug qaasatan Cadaado ayayna wax horumara ka jirin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS