X

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey shirkii Kismaayo ku dhexmaray madaxda maamul goboleedyada oo ay dawlada dhexe ku eedeyeen in goboleysiga daacad ka ahayn ayna weerar ku hayso maamulkooda.


Dr Camey ayaa tilmaamey in qodobada qaar dhaawac ku yihiin ummada Somaliyeed oo aan la qaadan Karin.

Wuxuu kaloo uu tilmaamey haddii aad gudoomiye u tahay maamul goboleed adigaa masuul ka ah laakiin waxaad kaliya masuul kaga noqon kartaa siyaasad qeexan oo dadka deegaanku iyo goleyaashu isla ogyahay.


Camey ayaa hore u diidey siyaasada Cabdiwelli Gaas ee ku dhisan khilaafka joogtada ah iyo diidmada siyaasada dawlada dhexe ee ku aadan meelo badan.

Hadalkiisa ayaa shaaca ka qaadaya in madaxdii halkaas ku shirtey ay ka Shireen arimo jeebkooda ah loona qaadan karo inay ajaanib ku xiran yihiin.

Hoos ka dhegeyso Camey

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.