X

Argagixisada oo markii ugu horeysay qarax soo hoos gelisay gaari gacan

Argagixisada gaalaynta Muslimiinta ayaa markii ugu horeysay qarax soo hoos gelisay gaari gacan kadibna ku qarxisay goob dadku ka adeegtaan. Qaraxaas oo sidii caadiga ahayd uu dhaawac ka soo gaaray dad adeeg u yimi.


Gaari gacanta ay soo miineeyeen ayay ku qarxiyeen qaybta khudaarta ee suuqa Siineey ee magaalada Muqdisho. Argagixisada ayaa waxa la shaqeeya dadka Muqdisho ku nool.

Dadka qaarkood ayaan ogolayn nidaamka dawladnimo ee cashuuraha dadka looga qaadayo. Qaraxan aya waxa ku dhaawacmey ilaa shan ka mida dadka shacabka iyo masuuliyiin cashuur qaadayay.


Dawlada Somaliya ayaa warbixin kaga warantey shacabka Muslimiinta ee argagixisadu ku dishey sadexdii bilood ee inaga tagey oo gaaraya ilaa 300 oo qof.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.