Madaxweynihii dalkaasi yar ee Kuuba ayaa geeriyooday isago da’diisu tahay 90n jir. Fidel Kaastaro ayaa ka qaybqaatey dhacdooyin badan oo Somaliya ku jirto.
Kaastaro ayaa xilligiisii ka qaybqaatey weerarkii xulafadii Waarsow ku soo qaadeen Somaliya si Somaliya looga saaro dhulkii Somali galbeed ee at gabi ahaanba xoreeyeen.
Ciidamada Somaliya ayaa waxyar u jirey caasimada Itoobiya markii ciidanka Kuubaanku soo galeen. Maraykanka ayaa diidey in uu hub siiyo Somaliya taas oo keentay in xulafadii Waarsow ku durduriyaan ciidankii xooga badnaa ee Somaliya.
Kaastaro ayaa dhinaca kale ogolaadey in xulafadii uu ku jirey ay dalkiisa dhigaan sawaariikh khatara oo burburin kara dalka Maraykanka taas oo keentay in Maraykanku oohin la tago qaramada midoobey.
Kaastaro ayaa xukunka dalkaasi qabsaday sanadii 1959 kana degay sanadii 2006 markii uu cudurka halista ah ee Kansarku ku soo boodey. Kaastaro ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu yahay dal bilaa diina.
Wadamada Latin Amerika ayaa baroordiiq u fadhiya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay