X

Madaxweynihii la afgambiyay ee Yaman oo u baxsaday halka dadkiisu ku badan yahay ee Cadan

Cadan–Madaxweynihii la afgambiyay ee Yaman Cabdirabah Xadi ayaa u baxsaday magaalada Cadan halkaas oo dadkiisu u badan yahay iyadoo wararkuna sheegayaan in gurigiisii Sanca la bililiqaystay saacado kadib markuu baxay.

Xadi ayaa shegay in uu wali yahay madaxweynaha saxda ah ee Yaman wuxuuna ku baaqay in dastuurka la ilaaliyo lagana dhigo Yaman lix gobol oo iskudhaf taas oo Xuutiyiintu diideen.

Yaman ayaa qarka u saaran in ay burburto inkastoo wali siyaasada socotaa ay tahay mid qasan hadana ma jirto dawlad bixin karta mishaharka shaqaalaha iyadoo carabtuna goosatay lacagtii ay bixin jireen.

Xadi ayaa la sheegayaa in uu khiyaameeyay ilaalada Xuutiyiinta iyagoo keenay gaadhi huba oo buuxa kadibna Xuutiyiintu bilaabeen in ay bilillqaystaan intay ku jeedaana Xadai ka baxay albaabka dambe.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS nagala soo xiriir araabimedia@gmail.com

admin:

This website uses cookies.