X

Madaxweynuhu wuxuu gutey waajibaad dastuuriya oo isaga loo xilsaaray: Waxgarad

Waxa hadda soo afjarmay khilaaf uu abuurey wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble kadib markii uu xalay saqdhexe soo saaray warqad la wada ogaa inaanu qorin isagu laakiin uu qorey C/raxmaan C/shakuur.


”Waa la ogaa in aanu xaq u lahayn inuu eryo madaxa sirdoonka oo hawshoodu tahay sirdoon laakiin siyaasiyiinta Hawiye oo hadda runtii ay ka fadhido maadaama ay ogyihiin inayna taageero ka haysan xildhibaanada soo baxaya ayuu yiri Cali Calasow.

”Talaabada madaxweynuhu waa mid lagu ilaalinayo dastuurka maadaama uu yahay hogaanka ugu sareeya ee amniga halka amniga doorashada uu ku wareejay raiisal wasaaraha laakiin hadda uu ugu yimi intii isagu xaq u lahaa ayuu yiri Xirsi Mire.


Raiisal wasaaraha waxay ahayd inuu xooga saaro arimaha doorashada loo xilsaaray, waxase muuqata inuu ku milmay siyaasiyiinta beeshiisa, warkii xalay wuxuu ahaa mid taa ka tarjumaayay ayuu raaciyay Cali Calasow.


Maxamed Xuseen Rooble dadkii dulmanaha ahaa ee la wada arkaayay kama hadlin 24 saacna uma qaban sii dayntooda ee wuxuu xooga saaray sidii uu xukunka uga qaadi lahaa madaxa sirdoonka.

Warbixintii C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.