X

Magaalooyin ku yaala Somaliya oo loo qoondeeyay 9 milyan

Magaalooyin ku yaala Somaliya oo bangiga aduunku u qoondeeyay lacag dib loo dhisao kaabaha dhaqaalaha oo ay ku baxayso 9 milyan oo doolar.


“Kaalinta Bangiga adduuka, waa la shaqeynta dowladda Soomaaliya sidii loo tababari lahaa iyo in dawladda awood u hesho inay islaax iyo horumar gaarto”. Sidaasi waxaa yiri Hugh Riddell,  oo ah u qeybsanaha Bangiga adduuka ee Soomaaliya.


Mashruucan waxa ka faa’ideysanaya magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Kismaayo iyo Baydhabo. Magaalooyinkaas waxaa loo doortay waa kuwa ay ku badan yihiin dadka ku soo noqonaya ama ku soo barakacaya.

Mashruucan waxaa uu imaanayaa kadib markii dowladda Jarmalka ay sheegtay inay horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ku bixin-doonto EUR 23.4 million.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.