November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Magacyada 11 ruux ee loogu raadis badan yahay Kiiniya oo la soo bandhigay

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo amaanka Qaranka dalka Kenya ayaa mar kale dib u soo daabacday sawirrada iyo magacyada 11 qof oo lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la leeyihiin argagixisada Shabaab kuwaas oo ay Booliska doon doonayaan.

Magacyada 11-ka qof ayaa lagu xusay bayaan ay soo saartay Wasaaradda oo lasoo dhigay barta Twitterka, waxaana lagu qeexay in ay yihiin shaqsiyaad khatar weyn ku ah ammaanka guud ee dalka Kiiniya.

Liiska lagu soo qoray magacyada ayaa waxaa ka muuqda Abdalla Muumin Abdalla, Abdalla Siraj Marumu, Abdifatar Abubakar Abdi, Isaa Abdalla Ahmed , Anwar Yogan Mok, Suleiman Muhamed, Hussein Said, Mohamed Ali Ahmed, Omar Patroba Juma, Abdikadir Abubakar iyo Ismael Mohamed Shosi.

Laamaha amaanka dalka Kiiniya ayaa mar kale shacabka ka codsaday in ay gacan ku siiyaan soo qabashada ragaasi oo hada kamid ah kuwa loogu raadiska badan yahay dalka Kiiniya.

Dhawaan ayey ahayd markii sawirrada iyo magacyada raggaan ay soo daabacday Wasaaradda arrimaha gudaha ee uu hor kacayo Joseph Nkaissery.

Dowladda Kiiniya ayaa la daala dhaceysa suggida ammaanka dalkeeda oo xilligaan Qatar badan kala kulmaysa dhanka argagixisada Shabaab.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS