Magacyada argagixiso gacanta lagu dhigey deegaano u dhow Afgooye. Wasiirka warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow oo shir jaraa’id qabtay kaddib kulanka Golaha wasiirrada ayaa sheegay in 29 ay yihiin xubnahani.
Waxa ku jira rag argagixisada u qaabilsanaa qaraxyada iyo samaynta isku xidhka qaraxyada laguna soo qabyey deegaano u dhow Afgooye, halkaas oo ciidamada dawladu ka fuliyeen weeraro qorsheysan.
Magacyada uu Wasiirku sheegay waxaa ka mid ah:
1- Aweys Qadar Axmed oo ahaa amiirka qeybinta howlgallada Al-shabaab ee Afgooye.
2- Cabdullahi Maxamuud Mukhtaar oo ah farsamaqayaanka Qaraxyada Al-shabaab
3- Saalax C/Qaadir Cabdulle oo ah madaxa lacagaha Al-shabaab ee Afgooye
4- Maxamed Aweys Cali oo amniyaadka AL-shabab ka tirsan
5- Maxamed Xuseen Salaad oo amniyaadka ka tirsan
6- Maxamed Cali Xasan oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab,
7- Bakar Maxamed Yacquub oo ahaa Miiniiste,
8- Sakariye Salaad Maxamed oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabaab9- Iyo eedeysane Aweys Kamaal Sh. Muxiddiin oo ka tirsan Amniyaadka Al-shabab.
Sidoo kale Wasiir Yariisow ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay C/Wali Cabdi Daa’uud oo horay u dilay Guuleed C/Qaadir Muuse oo ahaa sarkaal ka tirsan Booliska waaxda ilaalinta Cashuuraha.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay