Waxaa maanta ilaa caawa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle kasocotay Doorashada Xubaha aqalka sare ku matalata Maamul goboleedka Cusub ee Hirshabelle.
Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa doortay sideeda xubnood ee aqalka sare ku matalaya maamulka Hirshabelle, waxaana Xildhibaanada la doortay labo kamid ah ay yihiin Haween.
Xubnaha Aqalka sae ee maanta lagu doortay Magaalada Jowhar waxaa ku jira Muuse Suudi Yalaxoow oo horey Xiildhibaan iyo Wasiir uga soo noqday Dowladihii KMG ahaa, Muuse ayaa sidoo kale kamid ahaa Hogaamiyaashii Hubeesnaa ee Muqdisho xili maamulayay.
Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada 8-da xubnood ee Hirshabelle ku matalaya Aqalka sare
1-Muuse Suudi Yalaxow (Hawiye)
2-Maxamed Amiin Sheekh (Hawiye)
3-Prof Cusmaan Maxamuud Dufle (Hawiye)
4-Maxamed Xuseen Raage (Hawiye)
5-Maxamed Cismaan Dhagajuun (Â Hawiye)
6-Cusmaan Xxmed Macow (Jajeele)
7-Naciima Ibraahim Yuusuf (Hawiye)
8- Fartuun C/Qaadir Karaama (Jareer Sadex Cumaroow)
Xubnahan maanta lagu doortay Magaalada Jowhar ayaa kamid noqonaya Xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana wali harsan 11-xubnood oo kamid noqonaya Aqalka sare kuwaa oo iyana ka imaanaya gobolada Waqooyi ee Soomaaliya.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn
Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan
Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan