09/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Magacyada Koofur galbeed beelaha u soo baxay barlamaanka hoose ee Somaliya

Doorashooyinka Aqalka hoose ee ka socda magaalada Baydhabo ayaa maanta lagu doortay 7 xildhibaan oo cusub. Doorashadii maanta ugu adkeyd ayaa noqotay tii dhex maray wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) iyo Maxamuud Macalin Yaxye oo hore xildhibaan iyo wasiir u soo noqday, waxaana hal cod looga guuleystay wasiirka.

Xildhibaanada maanta lagu doortay Magaalada Baydhabo waxay kala yihiin: 1. Maxamuud Macalin Yaxye – Disow 2. Sheekh Shaacir Maxamed – Macalin Weyne 3. Maxamed Jaamac Mursal – Ogaadeen 4. Malaaq Aadan Ibraahim – Yantaar 5. Cali Aadan Xuseen _ Eylo

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS