X

Mahad Cabdalle Cawad oo walaac ka muujiyay doorashada gacanta loo geliyay maamul jufeedyada

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee gudoonka barlamaanka Mahad Cabdalle Cawad ayaa walaac ka muujiyay doorashada gacanta loo geliyay maamul jufeedyada. Wuxuuna ka digey aargoosi.


”Waxa jira xildhibaano badan oo bedelay goob doorashadoodii ayagoo ka baqaya in la carqaladeeyo nidaamka doorasho ee goobihii laga soo dooran lahaa ayuu yiri Mahad Cawad oo ka hadlaayay goob uu fadhiyay horjooge Siciid Deni o ka mida kuwa gacanta loo geliyay doorashada qaar.

”Waxaa loo baahanyahay iney idinka nabad-galaan xildhibaannada deegaanadiina laga soo dooranayo , haddii kale ma meel marineyno heshiiska dhowaan Muqdisho lagu gaaray” ee welli aan la horgeyn barlamaanka.


”Haddii ay timaad cabuidhin ma dhacayso doorasho xalaala waana ta keenaysa in xildhibaano badan diidaan in maamul ujufeedyada lagu aamino doorashada.

Si kastaba ha ahaatee walaaca uu muujiyay Mahad Cabdalle ayaa sii xoojinaysa in barlamaanku qaato xal kale si loo helo doorasho xalaala ayuu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.