X

Xildhibaanada gobolka Awdal oo ku gacan saydhey Muuse Biixi

Kulan xalay dhexmaray xildhibaanada gobolka Awdal iyo horjoogaha maamulka Somalilaan Muuse Biixi ayaa la isku mari waayay markii Muuse Biixi ka codsaday inay golaha ku soo noqdaan.


Sida warbaahinta Hargeysa ka soo baxdaa ay qoreen horjooge Muuse Biixi ayaa codsaday in laga caawiyo sidii doorashadu u dhici lahayd, waxayse xildhibaanadu sheegeen in aan wax gacanta ugu jirin iyaga.

Horjooge Muuse Biixi ayaa dhawaan qoraal u qorey maxkamada beeshiisa kana codsaday in xeer jirey daaqada laga saaro taas oo dadka reer Awdal ku qosleen.


Dhalinta gobolka iyo odayaal la socda ayaa hore u gudbiyay go’aanka gobolka ee ah in aan doorasho dhici karin ilaa la helo awood qeybsi saxa, waa maamulkan la wada leeyahay.

Ingiriiska ayaa u sheegay in ictiraafku soo dhow yahay haddii doorashada la qabto halka Maraykankuna uu keenay Taywaan cariga Somaliyeed.


Golaha horjooge Muuse Biixi ayaa waxa ku hadhay isdla beesha dhexe ilaa haddana kama dhaadhacsana in Samaroon cidla ka joogo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.