X

Laba maleeshiyo oo Tukaraq ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo

Labada ciidan maleeshiyo ee maamulada Butlaan iyo Somalilaan ayaa Tukaraq ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo u eg jug-jug meeshaada joog. Saakadii hore ee maanta ayaa Somalilaan maleeshiyo cusub ku soo dartey kuwii hore u joogey halka kuwa Butlaan sidoo kale soo kordhiyeen.


Labadan maleeshiyo ayaa is hor fadhiya muddo  laba sano Ku dhow ayadoo ayna jirin dagaal toosa oo ay wada galeen aan ka ahayn jug-jug meeshaada joog. Waxay labaduba ku doodayaan lahaanshaha gobolka Sool.


Ururka IGAD ayaa labada jufaba ugu baaqay inay maleeshiyada kala qaadaan dibna ugu noqdaan halkii ay kala joogeen. Butlaan ayaa ku fashilantey inay dib u qabsato Laascaanood oo laga qabsaday 2007.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.