X

Maxaa dib u dhigey dib u furida duulimaadyada gudaha

Waxaa dib loo dhigay qorshe maalmo ka hor la shaaciyey oo maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 3-da Juun lagu furi lahaa duulimaadyada garoonka Muqdisho iyo gobolada dalka oo bilo ka hor loo joojiyey sababo la xiriira cudurka Kooro.


Hase ahaatee warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay oo laga helayo masuuliyiinta garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in dib loo dhigay qorshihii beri oo Arbaca ah lagu furi lahaa duulimaadyada gudaha, warbixino kale oo illaa hadda aan la xaqiijin ayaa sheegaya in 8 bishan la furayo duulimaadyada gudaha.


Somaliya ayaa ka mida dalalka aan si xoogleh ugu taagin cudurka Kooro inkastoo ayna jirin baadhitaan dhaba oo lagu sameeyay dalkoo dhan. Wadamo badan ayaa dib u furey duulimaadyada gudaha inkastoo kuwa caalamiga ah welli xaniban yihiin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.