X

Maleeshiyadii Hawiye ku awrkacsaday oo la cafiyay loona sheegay inay baxaaan

Raiisal wasaaraha Somaliya ayaa ka hadlay qodobada lagu soo afjaray awrkacsigii qabyaaladeed ee fadhiidyada Hawiye ee sheegan jirey musharixiinta. Kooxdan oo qabqable ka yihiin labada fadhiid ee Xasan Sheekh iyo Shariif sh Axmed ayaa magaalada soo geliyay maleeshiyo u dagaalanta.


Waxase soo baxaayay maalmihii u dambeeyay in kooxdan ku qaraabanaysay magaca Hawiye ay si xun u kalajabeen oo ay gaareen heer ay is nacdalaan. Soo afjarida maleeshiyada Hawiye ayaa naqaf qabow ku ah kuwi markii hore ku awrkacsadey haddase gartey inay sun isku fureen.

Soo afjarida ayaa waxa ku jirta inayna mar dambe ku awrkacsan karin magaca Hawiye halka dhinaca kale ay durba dalbadeen in la siiyo mishaharaadka iyo xuquuqda kale.


Lama garan karo in maleeshiyada daacada u ah qabiilka ay daacad u yihiin qaranka oo ay noqonaysao in la iyaga dhan la kala fogeeyo ayuu yiri Cali Calasow.

”Hadda geelli xaaraanta ahaa halkee la gayn doonaa ma argagixisada ayaa loo dhiibi doonaa ayuu yiri Xuseen Warsame. Waxa ku dhacay dhabarjab weyn kooxdan qabyaalada wada 2021.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.