X

Madaxweyne xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar oo furey warshad samaysa naqafka

Madaxweyne xigeenka Somali galbeed Mustafe Cagjar ayaa furey warshad samaysa naqaska aan neefsano ee afka qalaad loo yaqaan ogsajiin. Warshadan ayaa soo saari doonta ugu yaraan 200 oo xabo oo tuunbo ogsajiina


Warshadan ayaa timi xilli gobolka uu ku soo faafayo hargabka Karoona oo markuu gaaro xaalada xun uu gaaro sambabada oo qofkuna qaadan kari waayo neefta.


Warshadan ayaa qayb weyn ka qaadan doonta yaraynta dadka u dhimanaya ogsajiin la’aan. Waxa baryahan soo baxaayay in naqas ku dhega lagu daaweeyo basasha oo la dhilay kadibna lagu xiro naaska hoostiisa, taas oo nuugta dheecaanka Karoona ku reebayo sambabada.

Naqaska ayaa awal looga keeni jirey caasimada taas oo u baahneyd kharash iyo waqti.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.