X

Maraakiibta Iiraan oo xaalufiyay kaluunka Somaliya: wasaarada kaluumeysiga

Wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka badda ayaa warbixin ka soo saartey maraakiib xad-dhaafa oo laga leeyahay Iiraan oo xaalufiyay badda Somaliya. Maraakiibta badda xaalufiyay ayay wasaaradu ku sheegtay ilaa 192 maraakiib oo nooc kasta leh.


Maraakiibta ayaa kolba bedela is gaarsiintooda si ay u qaldaan isha lagu hayo. Somaliya oo aan lahayn ciida n badeed ayaa badeedu in muddo ahba u gacan gashay dawladaha Eeshiya iyo Yurub oo si raaxo leh uga sameeyay balaayiin doolar.


Wasaarada ayaan sheegin waxa ay ka qaban karto maraakiibtan maadaama ayna haysan ciidan badeed laakiin haddana ku gudajirta dacwad ka dhana maraakiibtaas.

Waa maraab=kiib farabadan markad fiiriso xadidka ay ku joogaan xeebaha Somaliya iyo Yaman oo ah laba wadan oo burburey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.