X

Waxaad is weydiin kartaa yuu afhayeen u yahay xildhibaan Cabdi Xaashi

Maanta ayaa gudoomiyaha aqalka sare ee aan loo baahneyn lana garanayn shaqada ay shacabka u hayaan aan ka ahayn inay lacagta masaakiinta fadhiga ku qaateen ee Cabdi Xaashi uu soo saaray warqad aanu kala tashan cidna, kuna eedeeyay gudiga doorashada.


Cabdi Xaashi ayaa sheegay in qodobo laga bedelay kuwii uu hore u gudbiyay, waxase beeniyay warkiisa xildhibaanada aqalka sare oo yiri cidna lama tashan isagaa iska qortey warqadaas, waxayna ku nuuxnuuxsadeen in qoraalka ay soo saareen gudiga wadajirka ay sax yihiin.


”Sharciga doorashooyinka xeerarka kaabaya ay yihiin kuwa sharci ah maadaama guddoonnada labada aqal ay si wadajir ah u magacaabeen guddiga isku dhafka ah ee soo diyaarinta xeerarka hoos imaanaya sharciga doorashooyinka qaran ayuu yiri xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf.


”Waxaan shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in xeerarka la horgeeyay Golaha Shacabka ay yihiin kuwii saxda ahaa oo muddo laba bil ka badan ay socotay diyaarintiisa ayay tiri xildhibaan Jawaahir Axmed Cilmi. Waxa ii muuqda dano gaara keliya in laga leeyahay warqadahan kolba la soo qorayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.