X

Maraykanka iyo Ingiriiska sidee u qasi karaan amniga dalka xilli ayna jirin Somali hub isku haysta

Kooxda sheegata beesha caalamka ayaa si cad u sheegtay inay qasi doonaan amniga dalka haddayna barlamaanka qaranku ka noqon wadada ay qaadeen ee ah in dalku aado doorasho toosa kadib markii ay dawladu dhinacna uga dhaqaaqi waydey shuruudaha cusub ee kolba la hordhigo.


”Warbixin isla socota oo ay halmar soo wada saareen ayay ku sheegeen dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska inay dalka qasi doonaan amnigiisa. Waxaadse is weydiin kartaa sidee u qasi karaan ayadoo hadda aan ognahay in aanu jirin qabaailo hub isku haysta iyo dawlada oo la dagaalaysa aan ka ahayn  argagixisada ayuu yiri Cali Calasow.


Waa ta koowaade waxay ku qasi karaan ayagoo adeegsan doona argagixisada sida hadda ay ugu adeegsadaan Suuriya taas oo keenaysa qaraxyada oo bata iyo dilalka qorsheysa. Waxay hadda adeegsanadaan idaacadahoda beenta dhura ee bbcsomali iyo Voasomali si ay sumcada uga dilaan madaxda dalka una bedelaan fikrka dhalinta.


Waxay maalin kasta noo sheegaan in madaxweynuhu la xirtey Turkiga iyo Qadar waxana taas sheegay safiirkoodii hore inayna jeclayn iskaashigaas, waana halka weerarku kaga socdo waayo waxa jira horumar socda oo la diidan yahay sida ciidamada dhismaya ayuu yiri Xuseen Warsame.


Waa ta labaad ee isku dayi karaan oo ah inay inqilaabaan madaxweynaha ama khaarajaan maadaama ayna ka fogeyn madaarka iyo madaxtooyada. Waxana muhiima in hadda wixii ka dambeeya madaxweynuhu adkeeyo amnigiisa, dabcan hadday wax soo gaaraana aan ognahay inaan cidkale ku eedayn karin.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.