X

Maraykanka iyo Ingiriiska waa ogyihiin inayna guulaysan karin dagaal sadexaad oo aduunka ah: Buutin

Madaxweynaha Ruushka oo ka hadlayay markab daandaansi oo Ingiriisku soo direy oo ay eryadeen ciidamada difaaca ee badda ee dalkiisa ayaa sheegay xataa haddii ay dejin lahaayeen markabkaas inayna taas ka dhigneyn inay noqon lahayd dagaalkii sadexaad ee aduunka.


”Waxa soo direy Maraykanka markabka Ingiriiska ee daandaansiga waday waayo waxaan ognahay in diyaarado ka soo kacay Giriiga ay dib isaga noqdeen oo ayna rabin inay wax qasaan kadibna markabkaan ayuu yiri Buutin.

”Waxa muhiima in la ogaado in haddii aan markabkaa dejin lahayn in taasi ka dhigneyn dagaalkii sadexaad ee aduunka waayo labaduba waa ogyihiin inayna guul kala hoyanayn dagaal noocaasa ayuu raaciyay Butin.


Ruushka ayaa haysta hubka ugu badan ee nukliyeerka aduunka, waxay kaloo haystaan gantaalo casriya oo Maraykanku ilaa hadda awoodi waayay inuu samaysto oo ah gantaalo ayna soo ridi karayn.

Inkastoo Marayanku kun jeer ku soo laban laabmo dhaqaale ahaan Ruushka, haddana Ruushka looma gali karo awood ahaan meeshay galaana lagama daba geli karo ayuu yiri Xuseen Warsame.


Ujeedada markabka ayaa ahaa inay borobagaando raqiisa u noqoto Maraykanka iyo Ingiriiska laakiin beentii waa lagu qabtey.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.