X

Wasiir Dubbe oo fariin u direy dhalinta isticmaasha baraha bulshada

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta dawlada dhexe ee Somaliya ayaa fariin u direy dhalinta Somaliyeed ee isticmaasha baraha bulshada. ”Waxaa wejiga hore saarataan calanka Somaliya si aan u weynayno munaasibada kowda Luulyo ayuu yiri wasiir Dubbe.


”Iyadoo ay caawa tahay maalinta weyn ee labadii darif ee Koofur iyo Woqooyi ee ay kala gumeysteen Ingiriis oo rabay inuu sii kala jaro Somalida iyo Talyaaniga ay dhidibada u taageen dawladnimada, waxaan leehay saarta wejiga hore ee barahiina bulsha calanka Somaliya.


Wasiir Dubbe oo kaalintiisa wasiirnimo ka soo baxay mudada kooban ee uu hayay jagada, ayaa ku soo kordhiyay dalka inay leeyihiin dawlad u hadlaysa dadkeeda.

”Waa inaan muujinaa shuruucteena wadaniyadeed si aan u tusno qofkasta weynaynta calanka, jacaylka dalkeena iyo calankiisa ayuu yiri Wasiir Dubbe.

C/llaAhi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.