Maraykanka iyo xulafada Carabta ayaa ka qayliyay weerarka Ruushku ku soo celinayo kala dambeynta isagoo garaacay goobo ay ka mid yihiin Xama iyo Xoomas oo ay joogaan argagixisada Sucuudigu taageero ee Daacish iyo Nusra oo Maraykanka iyo Yuhuudu taageeraan.
Ruushka ayaa ogol kaliya ciidamka dawlada Siiriya. Sheeko ahayd Sunni iyo Shiico oo dabada ay ka riixayeen Sucuudiga iyo Carabta kale sida Qadar iyo Turkiga ay fashilantey markii kumanaan Siiriyaana ay waxba u tari waayeen kana qaxeen guryahooda hadda degan yihiin DALKA URDUN.
Garaacida diyaaradaha Ruushka ayaa burburiyay argagixiso huruday oo aan filayn in la garaaco iyadoo la burburiyay hub iyo saanad ay siiyeen Maraykanka iyo Carabtu.
Xulafada Maraykanka iyo Carabta ayaa hub noocyo kala duwan siiyay argagixisada Nusra iyo Daacish hubkaas oo lagu qixiyay kumanaan reer Siiriya ah iyadoo ujeedadu tahay in la kala Suuriya oo ay noqoto wadan Somaliya Afganistaan iyo Liibiya la mida.
Xubin ka mida Ruushka ayaa ku eedeeyay Maraykanka in uu iska yeelyeelayo in uu weerarayo Daacish laakiin ay beentahay oo uu taageero Daacish si xukunka looga tuuro dawlada Siiriya.
Maraykanka iyo reer Galbeedka ayaa ka baqaya in ay isku dhacaan Ruushka maadaama ay rabaan in ay xukunka ka tuuraan dawlada Siiriya dalkuna sidaa ku burburo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay