X

Maraykanka oo Somaliya ka dhiganaya meel uu uga duulo dalalka kale

Maraykanka ayaa sheegay inuu dekedda Berbera u isticmaalayo dano isaga u khaasa taas oo ka dhigan inuu Somaliya ka dhiganayo meel uu uga duulo ama ugu faano dalalka Ruushka iyo Shiinaha oo siyaasiyan iyo awood ahaanba garaacay.



Maraykanka ayaa qayb ka ah mashruuca lagu maalgelinayo gooni goosadka Hargeysa iyo Burco inkastoo hadda beesha halkaa degtaa ayna diyaarba u ahayn inay ka shaqeeyaan wax goosad la yidhaa.

Wax dana Somaliya uguma jirto in Maraykan ayna rabin inay siyaasadiisa ka qayb noqdaan ay siiyaan garoomo iyo dekedo uu uga duulo dalal kale ama dalal kale ku soo weerari karaan.



”Maraykanku ciidan iyo saldhig ayuu ku leeyahay xad beenaadka Somaliya iyo Kiiniya, waxa mid kale uu ku leeyahay Jabuuti, haddana wuxuu rabaa meel sadexaad oo uu ugu faano Ruush iyo Shiine ayuu qabaa Cali Calasow.



” Markay keensadeen Xasan Culusow waan ogeyn inay isla markiiba ku soo noqdeen dalka. ”Waxaan ku baaqaynaa in laga hortago qorshaha uu Somaliya ku gelinayo colaad iyo inuu hub uga tago maamulka gooni gooosadka si ay ugu xasuuqaan qabiilada kale ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.