X

Kiiniya oo beenisay inay qunsuliyada Hargeysa ka dhigtey safaarad

Kiiniya ayaa beenisay inay kordhisay qunsuliyada ka furan Hargeysa ee ay joogaan afarta wakiil kana dhigayso safaarad buuxda. Kiiniya ayaa safaarad ku leh Muqdisho inkastoo ay jeclaan lahayd inay xiriir buuxa la yeelato maamulka gooni goosadka oo dhowr mar Ingiriisku u soo jeediyay.



”Waxba kama jiraan warkaas waxaan anagu safaarad buuxda ku leenahay Somaliya mana jirto mid labaad oo ka furayno dal aan safaarad ku leenahay ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxay wasaarada arimaha dibedda.

Isku dhicii u dhexeeyay Kiiniya iyo dawladii madaxweyne Farmaajo ayaa Kiiniya isku dayday inay u daba marto gooni goosadka, wayse ku dhici wayday, waxase keliya ay furatay qunsuliyad.



Kiinuya ayaa si xoogan ugu jirta siyaasada Somaliya waxayna qayb ka ahayd gulufkii xukunka looga tuuray madaxweyne Farmaajo oo xitaa loo soo istaagay inuu ka hari arinta badda oo ka doorto in dib loo soo doorto.

Maxamed Yuusu

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.