11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maraykanka oo dalka keenay ciidamo kale oo aan loo baahneyn: SAWIRO

Iyadoo dhawaan uu sheegay Maraykanku inuu la baxay ciidamadiisa ka jooga dalka Koofurtiisa ayaa markale waxa la keenay ciidamo cusub oo aan loo baahneyn.  Ciidamadan ayaa ka soo degay magaalada Muqdisho.



Qoraal ka soo baxay saldhiga AFRICOM ee ah ciidamada Maraykanka ee AFRIKA ayaa lagu sheegay in ujeedadu tahay caawinta waxay ku tilmaameen saaxiibada geeska ayna askartani yihiin gurmad degdega oo meelkasta gaari kara.



”Waxaan ilaalin doonaa safiirada, meelaha qaramada midoobey iyo xarumaha gargaarka ayaa lagu sheegay qoraalka. Somaliya ayaan u baahneyn askar kale oo Maraykana, waxase cad in askarani u socdaan dano iyaga u gargaara oo xataa ayna dawlada Somaliya si cad u ogeyn.



C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS