X

Maraykanka oo Erdogan ugu hanjabay cunaqabateyn haddii uu sii deyn waayo

Maraykanka ayaa Erdogan ugu hanjabay cunaqabateyn haddii ay sii deyn waayo nin gaala oo hadda wargeysyada Turkigu sheegeen in xabsiga laga sii daayay laakiin lagu hayo xabsi guri.


Maraykanka ayaa ku tala jira inuu hakiyo diyaaradiisa dagaalka noocii ugu dambeysay oo uu ka iibinaayay Turkiga ayagoo ku eedaynaya Erdogaan inuu Ruushka la xirtey.

Erdogan ayaa cidla taagan asagoo Ruushkana kula dagaalamaya Siiriya, Maraykankuna niyad u ahayn urur diimeedkiisa Akhwaan ee Yuhuuda dagaal kula jirta.


Mar haddii hadda uu yahay madaxweynaha dalka ayna jirina jagadii raiisal wasaare ee markuu khaldamo iyagu hadli jirey, waxa Turkiga loo yaabaa in uu go’doon galo.

Turkiga ayaa diidey in loo hanjabo sheegayna in ay shaqada garsoorka inay dhamaystaan. Waxase la sugayaa in Maraykanku sii xumeeyo xiriirka uu la leeyahay Erdogan.


Rashiid Ceelanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.