X

Dal-kugalka xajka oo la bilaabay bixintooda

Dal-kugalka xajka ayaa la bilaabay bixintooda kadib markii la xaliyay diyaaradaha Somaliya ka qaadi doona xujaajta geyn doonana dalalka Jabuuti iyo Kiiniya. Sii haya wasiirka diinta ayaa warkan ka sheegay Sucuudiga.


Waxa uu hoosta ka xariiqay wasiiru dowlaha in la kordhiyey shirkadihii ka shaqeynayey Arimaha Xajka oo la gaarsiiyey ilaa 5 Shirkadood,


“Umadda Soomaaliyeed waxaa ugu bishaareynayaa in Xajka uu qabsoomayo, kaalin aad weyn ayeey ka qaateen xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha, shirkadaha waxaan kula dardaarmayaa in ay go’aankii Xukuuamdda ay sideeda u fuliyaan, wasaaradda Xajka Sacuudigu si wanaagsan ayeey noola shaqeeyeen, kaslooni buuxdo ayaan qabnaa saacaddaan, laga bilaabo shalay waxaa la qeybiyey Kaararkii shirkadaha, annagana dabagal iyo qiimeyn ayaan ku sameyn doonnaa” ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdixakiin Xasan Ibraahim (Ashkir)


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.