Madaxa Maraykanka Joo Baydan ayaa sheegay inuu Itoobiya ka saaray suuqiisa xorta ah ee ganacsiga oo loogu talogalay wadamada saxaraha ka hooseeya ama Afrikada madow inay badeecadooda si bilaa cashura ku gayn karaan Maraykanka.
Itoobiya ayaa dhistey warshadaha dharka kuwaas oo wax soo saarkooda si toosa loogu iib-geyn jiray Maraykanka haddase ay uu albaabada u xirey. ”Waa cagajugleyn lagu taageero Tigreega laguna dilayo dawlasda hadda jirta ayuu yiri Xuseen Warsame.
Dadka ay cunaqatayntan dhaqaale wax u dhimayso ayaa gaaraya laba boqol oo ku oo shaqaale oo u badan haween iyagu ka shaqeeya xayndaabka warshadaha ee magaalada Xawaasa.
Maraykanka ayaa lagu eedeeyay inuu isagu leeyahay qaska weyn ee Itoobiya ku jirto. Dawlada dhexe ayaa ka soo baxday gobolka Tigree markii ay hilfaha u qaaday falaagada TPLF oo hadda dhuumasho ku soo galaysa magaaloooyinka Axmaarada.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay