X

Maraykanka oo ka horyimi hawlgalka Amisom ee askar kala baxaya Somaliya

Maraykanka ayaa ka horyimi hawlgalka Amisom ee askar kala baxaya Somaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee dowladda Mareykanka ayaa hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom ka codsatay in ay kusii nagaadaan,islamarkaana aysan ka bixin , maadaama wali xaaladda amni ee Soomaaliya ay xun tahay.



Dowladda Mareykanka waxa ay sheegtay in ay ballaarin doonto howlgalka iyo taageerada Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya si loo ciribtiro argagixisada Shabaab.

Waxa ay sidoo kale dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay sii kordheyso khatarta Argagixisadda Soomaaliya hadda ka jirta.



“Ma taageerayno in ciidamada AMISOM ay baxaan hadda,iyada oo xaaladda amni xumada Soomaaliya ay sii kordhayso, waxaan dooneynaa in la taageero Ciidamada Soomaaliya illaa ay awood uga yeeshaan la wareegidda ammaanka dalkooda.” Ayuu yiri Wohlers Marion,oo ah Sarkaalka Xafiiska arrimaha dibadda ee Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.



Dhawaan ayay ahayd markii sarkaal sare oo Amisom ah sheegay in at la baxayaan ciidamada qaar ka jooga dalka waxase cabasho ka timi Yugandha oo ku luminaysa malaayiin doolar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.