X

Wasiirka amniga Puntland oo gaaray Badhan iyo ujeedada socdaalka oo uu qeexay: SAWIRO

Wasiirka amniga Puntland ayaa gaaray Badhan ee gobolka Sanaag xilli maamulka Somaliland isku diyaarinayo inuu doorasho qabsado berri oo Isniina.

Dawladaha siyaasiyan taageersan gooni goosadka maamulka Somaliland ayaa u soo direy korjoogeyaal ayagoo qaadanaya wejiyada iyo indhaha ku Jira kambuutarada si ay u hubiyaan inayna isku dhiibin qabiilada Koofurta Somaliya.



Soo dhaweynta ka dib Wasiirku wuxuu sheegay in ujeedada socdaalkooda uu la xiriiro sidii beesha caalamka iyo ummada soomaaliyeed loogu soo bandhigi lahaa in gobolada Sanaag iyo hayland ayan ka jirin wax doorasha ah oo dhinaca Somaliland ka timaada

Wuxuu sheegay in Farogalinta iyo xadgudubka maamulka Somaliland ee gobolada Sanaag iyo Hayland ujeedada ka dambaysa ay tahay oo kaliya in la jahwareeriyo shacabka, lana majaro habaabiyo beesha caalamka, loona sheego in shacabka gobolka Sanaag ay doorashooyin samaynayaan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.