Maraykanka ayaa ka soo horjeedsaday in Lubnaan Sucuudigu u isticmaalo goob dagaal. Warkan ayaa imanaya ayadoo madaxweynaha Lubnaan diidey inuu aqbalo iscasilaada Xariiri.
Hogaamiyaha Xisbulaha Nasrulah ayaa sheegay inay shiki la’aan tahay in Sucuudigu haysto Xariiri ayna muhiim tahay inuu sii daayo. ”Xataa hadaan colnahay waa muwaadiin Lubnaani ah hadana madaxdayada ah ma ogolin in la haysto ayuu yiri Nasrulah.
Nasrulah ayaa intaa ku daray in Sucuudigu siinayo malaayiin doolar Yuhuuda si ay u weeraraan Lubnaan. Maraykanka ayaa sheegay in xornimada Lubnaan ay tahay lama taabtaan kana soo horjeetsaday in Sucuudigu u isticmaalo goob uu kala dagaalamo Iiraan.
Yuhuuda iyo Sucuudiga ayaa wada qorshe ay ku weeraraan Iiraan iyo Lubnaan waxase diidan Maraykanka oo sheegay inaanu geli Karin dagaal caynkaasa oo hadhow ku balaadha.
Xoghayaha Qaramada Midoobey ayaa isna ka digey dagaal ka qarxa bariga dhexe oo Yuhuudu u dagaalanto Sucuudiga. Madaxweynaha Faransiiska ayaa booqasho aan hore loo shaacin ku tagey Sucuudiga kana digey in xiisad la geliyo Lubnaan.
Sucuudiga ayaa ku fashilmey dagaal uu la galay dalka fiqiirka ah ee Yaman asagoo lacagta saliida u isticmaaley inuu hub kaga gato Maraykanka iyo Yuhuuda.
Dhinaca kale wadamada carabta Khaliijka ayaa dadkooda ka codsaday inay ka soo baxaan Lubnaan halkaas oo ay u tumasho doontaan.
Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa hore ugu fashilmey inay Iiraan weeraraan ayagoo ka baqay inuu khasaaro ka soo gaaro dagaalkuna ku faafo.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay