X

Maraykanka oo Kiiniya ka codsaday in hubka u gudbiyaan jabhada OLF

Kiiniya ayaa ka cabsatey inay la safato Tigreega u Maraykanku wato kadib markii wasiirka arimaha dibedda Maraykanka uu hordhigay qorshe uu hub ku siinayo Oromada la aaminsan yahay inay dalkeeda gabaad hoose ka dhigato.


”Kiiniya waxay ka cabsatey in taasi dabweyn ku shidayso isla Kiiniya lafteeda oo xadka u dhexeeya labada dal uu yahay mid degan, ayna rabina in dalkeeda looga duulo dalkale ayuu yiri sarkaal magaciisa diidey oo goobjoog ahaa codsigan.

Kiiniya ayaa codsatey in arinta Itoobiya faraha looga qaado inay Itoobiya xalisato oo farogelin kale shisheeye laga daayo, waxayse dhinaca kale rabtaa in ay dhalato dawlad la qasta Somaliya.


Ujeedada Maraykanku u rabo in hub la siiyo jabhadda OLF ayaa lagu sheegay inay tahay in lagu qasbo dawlada Itoobiya inay dagaalka ka deyso Tigreega.

”Waxay isku raaceen in dawlada hadda jirtaa ayna ku jirin danihii weynaa ee geeska Afrika laga lahaa oo ah in Somaliya ayna ka dhalan dawlad awoodle ayuu raaciyay sarkaalkan magaciisa qariyay.



Kiiniya ayaa Maraykanka u ogolaatey inuu xoojiyo hawlaha basaasnimada ee ka wado saldhiga cirka ee u dhow xadka Somaliya. Saldhigan ayuu ka basaasaa dhaqdhaqaaqa milatari ee ciidanka Itoobiya sida ay sheegayaan sirdonka Kiiniya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.