22/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maraykanka oo ku fashilmey askar uu u tababarayay in ay xukunka ka tuuraan dawlada Suuriya: laba kaliya ayaan haynaa

Sarkaal laga waraystay tirada ciidanka ay tababareen si ay xukunka uga tuuraan madaxweynaha Suuriya ayaa ku sheegay wax aan laga hadli karin. Sarkaalkan oo suaalo laga waydiinayay xaalada Suuriya ayaa ku calaacalay in aan la sheegi karin tirada oo uu ku sheegay in ilaa afar ama shan askari ay dagaalamayaan. Askar gaaraysa shan boqol ayuu Maraykanku tababaray waxase qabsaday maca hubkoodii argagixisada Yuhuudu taageerto ee Al-Nusra.

Maraykanka ayaa ku calaacalay in aan la aamineyn cida ay tababarayaan taas oo keentay in uu dib u dhaco qorshahaas sanadkii lagu tababarayay askar gaaraysa 5000 oo la dagaalanta kaliya ISIL. Hub khatara oo Maraykanku siiyay kooxaha argagixisada ayaa keenay in ay deegaano ku qabsadaan deegaanadaas oo hadda ku jira Mugdi inkasta oo dadka badankoodu ka qaxeen soona galeen Yurub.

Maraykanka ayaa hadda dib uga istaagey in uu xukunka ka tuuro Assad taas oo ay rabeen wadamada Sucuudiga uu ugu horeeyo iyo Qadar iyo Turkiga oo iyaguna raba in la tababaro askar. Maraykanka ayaa rabin Assad waxase uu ku khasaaray cida uu hubka siiyay oo noqdey argagixiso caalami ah.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM