X

Maraykanka oo la baqay taangigiisa ugu fiican inuu hordhigo Ruushka

Jarmalka ayaa Maraykanka u sheegay inuu marka hore taangigiisa ugu fiican hordhigo ciidanka Ruushka dagaalka ay kula hiraan taas oo Maraykanku ku furtuuray kana codsaday Jarmalka inuu hormaro.



Fuleynimada Maraykanka ayaa timi ay dhaqaajin waayeen Ruushka inkastoo ay isku geeyeen wixii ay awood iyo dhaqaale lahaayeen waxana u dambeeyay Maraykanka oo diray hubkiisa lidka diyaaradaha ee liita laakiin uu ku faano.



Hubkaas ayaa u baahan in meel laga taago taas oo bartilmaameed u noqonaysa gantaalaha Ruushka ee meel fog wax ka toogan kara. Shir ay ku lahaayeen Jarmalka ayay xulafada Maraykanku ku fashilmeen inay hubkooda ugu fiican siiyaan Yukrayna ay ku shaqaystaan.



Fuleynimada Maraykanka ayaa wax ku qoslay wadamada yaryar ee uu dabada ku wato ayagoo Marakanka u sheegay inuu iska daayo wadamada yaryar ee uu baryayo ee uu leeyahay anaa hub idin siina dira kuwiina.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.