X

Maraykanka oo niyad jab ka qaaday Ruushka ka baxay Khersan

Reer galbeedka uu hadda si fiican u hogaamiyo Maraykanku kadib markii uu burburiyay dhaqaalahooda ayaa faan ka dhigan jiray in Ruushka laga saarayo magaalada Khersan ee Koofurta dalkaasi Yukrayn, ayagoo og inayna taasi dhacayn.


Hadda Ruushka ayaa iskii u sheegay inayna jirin wax ciidankiisu ka helayo sii joogista qayb yar oo webiga dhinaca kale ah oo ay faaiido ka helayaan in ciidanka halkaa jooga ku sii xoojiyaan kuwa magaalooyinka dhexdooda ka dagaalamaya.



Warka Ruushka ayaa naxdin ku noqday Maraykanka oo islahaa ciidanka Ruushka haku sii dagaalamaan goob yar oo aan lahayn khidad dagaal oo dheer. Doorashadii Ruushku ka qabtey gobolkan Khersan ayaa waxa haa u codeeyay boqolkiiba 60 gobolkan taas oo muujinaysa inay ka buuxaan dad aan Ruush ahayn.



Maraykanka ayaa hadda baryo la taagan in Yukrayn ku qasab tahay inay la hadasho Ruushka maadaama ayna jirin dhul ay soo ceshan kartaa, ayadoo Maraykanku luminayo taageerada uu ka helo Yurub oo uu burburiyay dhaqaalahooda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.