X

Sababta Ciidanka qaranka ee Eritariya loogu aamini karin Xasan Culusow

Fadhiid Xasan Culusow ayaa markale u socda Eritariya halkaas oo joogaan ciidan xoogleh oo qaran oo dalkaasi noo tababaray. Waxa ku mahadsan madaxweyne Farmaajo iyo Afwerki oo ciidankaan xooga saaray.


Waa in ka badan 5000 oo askari oo markii madaxweyne Farmaajo wareejinaayay uu Xasan Culusow laftiisa ka naxay sida ay uga naxeen Kiiniya si lamida. Xasan fadhiid ayaa hore u caayay Eritariya beena ka sheegay ciidanka qaranka.


Su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah Xasan Culusow oo beenaale weyn oo qabiilayste ah ma lagu aamini karaa ciidanka. Jawaabtu waa maya maxaa yeelay kuwii dalka ku sugnaa ayuu qabiil ka dhigay asagoo diidey inuu jufadiisa inuu dagaalka soo geliyo. Marka wuxuu halis Ku yahay ciidanka dhisan ee tacabka la geliyay.



”Wuxuu ku socdaa amar uga yimi Xalane oo ujeedadu tahay in ciidankaan la kala diro ayadoo loo marayo nidaam qabiil. ”Hadda dal ma jiro keliya waxa jirta in dalku si fiican ugu gacan galay kooxda Xalane oo gumeysi la rabta dalka.

”Ciidankaas waa in lagu hayo halkooda inta ay dhalanayso dawlad daacad u ah qaranka ayuu qabaa Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.